Tip:
Highlight text to annotate it
X
Su'aal:Ninkaygu wuxuu ka shaqeeyaa Hoteel lagu iibiyo Khamriga
Laakiin Wuxuu Jooga Qaybta Soo Dhawaynta
Shaqana Kuma Laha Khamriga.
Walaal Asal Ahaan Shaqada Ninkaagu waa Xalaal
Waa Qofka aan Khamriga isagu iibin ama dadka u gayn
Kuna Jirinna Sagaalka Qaybood ee Nabigeenu (NNKH) Xadiiska ku sheegay
Shaqadiisu Markaa waa Xalaal Inshaa Allah.
Inkastoon Leeyahay Meeshan aad Hada ka shaqaysid Ee Khamriga Lagu Iibiyo
ayna dhici Karto In waxyaabo Kale Sida Faaxishada Lagu Sameeyo
Adoo Meshaada jooga Ku dul raadso Shaqo Kale
Xataa Haday Ka Mushahar Yartahay.
Hadaad Ilaahay U run sheegtid Isnna wuu Kuu Rumayn.
Ilaahayna waxaan ka baryaynaa Risiq Xalaal ah.